Qarax xoogan ayaa wuxuu goor dhaw oo maanta ah uu ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, wuxuuna qaraxaasi ahaa mid si weyn looga maqlay Magaaladda Baydhabo oo geystay khasaarooyin badan.
Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Kawaanka Magaaladda Baydhabo, waxaana loo-adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee Remote-ka laga haggo, isla-markaana waxaa lala rabay in wax-yeelo loogu geystay qaar ka tirsan Ciidamadda Dowladda, oo Kawaanka Magaaladda Baydhabo ku sugnaa.
Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa mid culus oo khasaaro badan geystay, waxaana ku dhintay ilaa 8 ruux oo dumar ah, waxaana la-sheegay in dumarkaasi ay ahaayeen kuwo qudaarta iyo mooska ku iibiya Kawaanka Magaaladda Baydhabo.
Waxaa la-sheegay in tiro ka badan shan ruux oo kalana ay ku dhaawacmeyn, kuwaasoo loo-qaaday Cisbitaalka Magaaladda Baydhabo, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed, maadaama ay daran yihiin dhaawacyada qaarkood.
Qaraxaan ayaa waxaa la-sheegay in uu geystay nin dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxda Shabaab, kaasoo la-sheegay inay gacanta ku soo dhiggeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee joogga Magaalada Baydhabo.
Qaraxa maanta ka dhacay Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa ku la’day oo kaliya dad rayid oo masaakiin ah, kuwaa oo Kawaanka Magaaladda Baydhabo u soo aaday inay uga wax uga hellaan naftooda iyo ubadkoodaba.
↧
WAR DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Magaaladda Baydhabo iyo dad badan oo ku la’day
↧