Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo ka socda wadanka Siralyoon ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen gobalka Gado isla markaan ay wehliyaan saraakiil ka socda wadankaasi.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan saraakiisha maamulka dowlada ee gobalka oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaan haatan ay ku suganyihiin deegmada Ceelwaaq ee gobalka Gado.
Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamadaan ay kulamo la qaadanayaan saraakiisha dowlada iyo saraakiisha wadanka Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq.
Diyaad Cabdi kaliil ayaa wuxuu sheegay in ay ciidamadaan ka qaybqaadanayaan dagaalada dowlada ay kula jirto ciidamada Al-Shabaab ee maamulo deegaanada qaar ee gobalkaasi.
Diyaad cabdi kaliil ayaa wuxuu sheegay in marka ugu horay in ciidamadaan qorshahoodu yahay in ay la wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay wali joogaan kooxda Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd markii ay gobalkaasi soo gaareen saraakiil ka socota wadanka Siralyoon kuwaasi oo hor dhac u ahaa ciidamada wadankaasi ka imaanaya eek u soo biiraya howlgalka AMISOM.
Qorshaha ayaa haatan wuxuu yahay in ciidamada AMISOM lagu fidiyo dhamaanba gobalada Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab isla markaana gobalada oo dhan looga saaro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Ciidamo iyo Saraakiil Dheeraad ah Oo ka Socda Wadanka Siralyoon Oo Gobalka Gado Soo Gaaray
↧