Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

RW oo Canbaareeyay Falkii Al-Qaacidada ee Baydhabo

$
0
0

GalGalanews:- (GalGalanews) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Qaraxa Miinada ee kooxaha Al-Qaacida ee Soomaaliya ay maanta ka fuliyeen Suuqa Baydhabo oo ay shacab fara badan ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen. Ra’iisul Wasaarahu wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey falkan foosha xun, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey intii ku geeriyootay iyo shacabkii ku dhaawacmay oo uu u rajeeyey in EEBBE dhaawacooda u fududeeyo oo ay caafimaad deg-deg ah helaan.
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri “ Kooxahan nabad-diidka ah waxey caadeysteen inay shacabka Soomaaliyeed xasuuqaan tanoo ah mid ka soo horjeeda Diinteena Suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa nasiib darro ah in kooxahan ay maanta suuqa Baydhabo dhigaan miino oo ay ku qarxiyaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Falkii arxan darada ahaa ee maanta ka dhacay Suuqa Baydhabo waxaa ku dhintay 12 ruux oo ayna ku dhaawacmeen tiro gaareysa 30 qofood.”
 “Bacdamaa kooxaha Al-Qaeda iyo Al-Shabaab looga guuleystay dagaalkii fool-ka-foolka waxey bilaabeen inay shacabkii xasuuqaan. Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay difaacdo shacabkeeda oo kooxahan laga wada sifeeyo dhammaan dalka oo dhan.” Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku ammaanay shacabka gobolka Bay sida geesinimada leh ee ay ciidamda Dowladda ugu gacansiiyeen xoreyntii kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaeda looga guuleystay ee looga saaray deegaanadaas. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu ku ammaanay shacabkaas sidii quruxda badneyd ee ay u soo dhoweeyeen wafuudii ka socotay Dowladda Federaalka KMG ah.
 
      DHAMMAAD -


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>