Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha, ay dhibaato weyn ku qabaan Xarakada Al Shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dhibaato xoogan badan ku heyso shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in Xarakada Al Shabaab ay dhibaato oo dhan u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in Al Shabaab ay muujineyso waxaan loo-dul qaadan karin, sida uu sheegay.
“Al Shabaab waa cadow inay cadow yihiin waxaad ku ogaaneysaa waxay dilleen hooyo, aabe, caruur, cid walba way dilleen wax ay dhaafeen malaha, hadana waxay gumeysi ku heystaan shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha”ayuu yiri Mudane Shariif Sheekh Axmed.
“Shacabka ku nool Ceelasha Biyaha ma-hadli karaan maxaa yeelay, awood ay iskaga celiyaan Al Shabaab malaha, marka waxy iska ogolaadeen in la-gumeysto, laakiin ma-rabno sidaas ee waxaan rabnaa inaan shacabka ka dul qaadno” ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu doonaayaa in Xarakada Al Shabaab laga saaro Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay si buuxda leh gacanta ugu heyso Al Shabaab.
↧
Madaxweyne Shariif oo shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha ay iska celin karin Al Shabaab?
↧