Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay caafimaad dibadeed u qaadeyso, dadkii Isniintii ku dhaawacmay qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Maxamuud, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in caafimaad dibadeed ay u qaadayaan, dadkii dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo.
Wasiir ku Xigeenka ayaa wuxuu sheegay inay sameyn doonaan tiro koob, ayna mid mid u qiimeyn doonaan hooyooyinkii Isniintii sida xun ugu dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qaylo dhaan ay u jeediyeen caalamka, oo ku aadan qaraxii laba maalin kahor ka dhacay Kawaanka Magaaladda Baydhabo, kaasoo uu sheegay in wax yeelo ba’an loogu geystay hooyooyin Soomaaliyeed.
Hooyo walba oo xaalad adag ku jirta waxna looga qaban waayay gudaha dalka, ayaa wuxuu sheegay in uu waajib uu ka saaran yahay sidii ay dadkaasi ugu qaadi lahaayeen caafimaad dibadeed, si wax looga qabto xaaladooda caafimadeed.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Maxamuud, ayaa wuxuu eedeymo xoog leh uu u jeediyay Xoogaga Shabaab, isagoona ku eedeeyay kuwo xasuuq ku haaya shacabka Somaliyeed.
↧
Dowladda Soomaaliya oo dibada u qaadeysa hooyooyin badan oo si xun ugu dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo
↧