Gurmadyo xoog leh oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku soo qul qulaayaa duleedka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna u muuqdaan kuwo u diyaar garoobay dagaalo ay la-gallaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee kusoo qul qulaaya duleedka Degmada Dayniile, ayaa waxaa la-sheegay inay ka imaanayaan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka.
Ciidamadaan oo soo gaaray duleedka Degmada Dayniile ayaa waxaa la-tilmaamay inay kaga soo tallaabeen wadada dambe ee marta Deegaanada loo-barakacay, ee sida toos ah uga timaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dooneysaa inay kahor tagto weerarada qorsheysan ee xilligaan kaga soo wajahan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Amisom, oo iskaashanaaya.
Al Shabaab ayaa waxay damacsan tahay inay difaacato goobaha ay kaga sugan tahay Degmada Dayniile, iyadoona ay horey u sheegtay wax walba oo dhaca inay difaacan doonto Degmada Dayniile, aysana ka bixi doonin.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu maal-mihii ugu dambeysay uu ku baaqaayay in dagaalo lagu qaado Xoogaga Shabaab, oo uu ku tilmaamay kuwo cadow ah.
↧
Gurmadyo xoog leh oo ku soo qul qulaaya duleedka Magaaladda Muqdisho iyo Shabaab oo dagaalo u diyaar garoobay
↧