Madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu xilka ka degayo marka la gaaro sanadka 2016-ka, haddii uu xisbigiisu oo talada dalkaasi haya uu taas weydiisto, si kalena uusan xukunka dalka Yugandha ugu degaynin.
Mr. Museveni ayaa hadalkan sheegay mar uu wareysi gaar ah siiyey telefishinka CNN ee dalka Mareykanka isagoo yiri “Marnaba ma doonayo inaan awoodda dalka wareejiyo, laakiin haddii uu xisbigeygu ka doodo oo isku raaco inaan xilka ka tago waan ka tagayaa ee si kale ugama tagyo xilka dalka Yugandha”.
Mas’uuliyiin kala duwan oo reer Yugandha ah, kana hadlay arrintan ayaa waxay qaarkood sheegeen in isagu uu xaq u leeyahay inuu go’aansado inuu xilka ka tago iyo in kale, waxaana dadkaas ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga NRM ee talada haya iyo xildhibanno ka tirsan baarlamaanka Yugandha, gaar ahaan kuwa ku jira xisbigiisa.
Mr. Museveni ayaa wareysigiisa waxaa kale oo uu ku sheegay inuusan isagu awoodda dalka Yugandha ku heysan si khasab ah, mar uu arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Maxaa muhiim u ah dadka reer Yugandha?, isagoo isu jawaabayaa waxa uu yiri “Waxaan la loolamayo waa horumarka dalka ee ma ahan inaan Madaxweyne noqdo”.
Hadalka ka soo yeeray Musaveni ayaa siyaasiyiin badan oo ka hadlay waxay ku sheegeen inay calaamad u tahay burburka Afrika oo caan ku noqotay in askari kasta waxa uu dhiso uu dib u burbursho, iyadoo dhibaatada qeybta ugu badan ay leeyihiin la taliyaashooda oo wax kasta uu yiraahdo Madaxweynahoodu uga jawaaba haa waad ku saxantahay.
Yoweri Museveni ayaa awoodda dalkiisa la wareegay sannadkii 1986-kii, isagoo ka mid noqonaya hoggaamiyeyaasha Afrika ee awoodda dalalkooda muddada dheer heysta. wuxuuna u tartamay xilka madaxnimo ee dalkiisa muddo afar jeer ah.
↧
Madaxweyne Yuweri Musaveni:- Marnaba ma doonayo inaan awoodda dalka wareejiyo, waayo…
↧