Wasaaradda Dastuurka, arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in meel gabogabo ah uu marayaan soo xulidda odayaasha dhaqan ee ka qeyb qaadanaya ansixinta Dastuurka dalka.
Wasiir dowalaha Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Maxamuud Jimcaale oo warreysi siiyay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in soo xulidda odaaysha dhaqan ee ka qeyb qaadanaya Ansixinta Dastuurka dalka ay meel gabgabo ah marayaan, isla markaana inta badan lagu guulleystay, isagoo sheegay in si cadaallad ah arrintaasi lagu salleeyay.
Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in fahanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Dastuurka in hadda meel wanaagsan uu marayo, waxa uu carrab ku dhuftay in fikirrada ay ummadda Soomaaliyeed ka dhiibaanayaan Dastuurka muhiim u tahay dhaqan gallintiisa.
Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa xusay in la qaban doono shir weyne ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, isla markaana lagu Ansixin doono Dastuurka dalkeenna uu yeellanayo, waxa uuna ku cel celiyay in nimaadka cadaalladda aysan ka leexan doonin.
Dhinaca kale wasiir dowlaha Dastuurka ayaa hoosta xariiqay in dhammaanka bishan la soo dhammeystiri doono qabyo qoraalka Dasruurka, waxa uuna ka rajeeyay in uu noqdo Dastuur horseed u noqda minimada Soomaaliya.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Wasaaradda Dastuurka: soo xulidda odaaysha dhaqan meel gabogabo ah ayeey marayaan
↧