Ciidammo si gaar ah u Tababarran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo dhan kale taliska Nabad Suggida qaranka gobolka Banaadir uu faah faahin ka bixiyay holwgalkaasi iyo sida uu u dhacay.
Ciidammada sida gaar ah u Tababarran ee loo yaqaanno Alfa-group ayaa xalay howlgal ballaaran ka fuliyay degmooyinka Yaaqshiiq, Warta-Nabadda iyo Dayniile, halkaasi oo lagu soo qab qabtay kooxo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Ciidammada Alfa-group oo ah ciidammada ku Qalabbeysan Qoryaha Casriga ah, isla markaana wajiga u xiran yahay ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa abid kii ugu ballaarnaa ee laga sameeyo Muqdisho, taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkiii xalay ay sameeyeen ciidammada Alfa-group in uu ahaa ammar ka soo baxay guddiga amniga qaranka.
Waxa uu xusay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay xaafaddaha kala ah Xamar Jadiid, Wadda Warshadaha, Ifka Xalane, Gubta iyo xaafaddo kale, waxa uu intaa ku daray in lagu soo qab qabtay kooxo falal amni darro ah faraha kula jiray, isla markaana howlgalka uu sii socon doono.
Dhinaca kale taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalladani ay yihiin kuwa is daba joog ah oo lagula dagaallamayo Al-Qaacidda iyo cid walba oo amni darro ka shaqeeneysa, isagoo intaa ku daray in Muqdisho dib dambe aysan uga dhicin doonin dil sharci darro ah.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Ciidammada Alfa-group oo howlgalkii ugu ballaarnaa Muqdisho ka sameeyay
↧