Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo sheegay in shirweynaha Dastuurka lagu qabanayo xarunta Gaadiidka Booliska

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis lagu qaban doono shirweynaha ansixinta dastuurka Soomaaliya.
Shariif oo halkaasi shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ka hor 25 bishaan la gaba gabeyn doono howlo dayactir ah oo ka socdo xarunta si loogu diyaar garoobo shirweynahaasi oo bilaaban doono 15-ka bisha May.
Wuxuu sheegay qarashka ku baxayo dayactirka xarunta in ay bixineyso dowlada Turkiga oo uu uga mahad celiyey dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wado magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uu noqon doono mid u gaar ah dalka isla markaana aysan jirin dastuur la waafajin doono, taasi oo lid ku ah war dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Puntland iyo wasaarada dastuurka oo sheegay in la is waafajin doono labada dastuur.
Xarunta gaadiidka booliska ayaa sanadki 2007 lagu marti geliyey shirweynihi dib u heshiisiinta xiligaasi oo ay marti gelisay dowladi uu madaxda ka ahaa madaxweynihi geeriyooday C/laahi Yusuf Axmed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>