Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo wali isbitaalada magaalada Muqdisho ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Afartii bishaan ayaa hadana dowlada KMG wali waxay ku cel celinaysaa in ay wax u qabanayso dadkaas.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ee ku jira isbitaalada magaalada ayaa waxaa ka mid ah Suxufiyiin Fanaaniin iyo waliba dad kale oo shacab ah kuwaasi oo qaarkood ay dhaawacyadood culusyihiin.
Dowlada KMG ma jirto wax badan oo ay u qabatay dadkaan marka laga reebo masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo dadkaan ku booqday isbitaalada magaalada Muqdisho.
16-maalmood ka dib dowlada waxay wali taagantahay in ay wax u qabanayso dadkaan oo ay waliba siinayso gar gaar faacimaad oo wadanka Dibadiisa ah.
Wasiirka warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir jaahweyn oo saxaafada la hadlay ka dib kulan ay golaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho shalay oo khasiis ahayd ayaa wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaan loogu qaadi doono wadanka dibadiisa si ay u helaan gar gaar caafimaad.
Raysal wasaaraha dowlada KMg Soomaaliya oo Afartii Bishaan suxufiyiinta kula hadlay xafiiskiisa wax yar uun ka dib markii uu qaraxa dhacay ayaa wuxuu sheegay in dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi loo qaadi doono isbitaalada ku yaala wadamada xiriirka la leh Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi iyo qaar kale oo ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay qaraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa waxay u sheegeen RBC in xaalada caafimaad ay tahay mid liidada isla markaana ay muhiim tahay in la helo gar gaar faaimaad oo deg deg ah.
Dadka ku waxyeeloobay Qaraxa ayaa waxaa ka mid ah Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo ka tirsan hobalada waabari kaas oo haatan xaafadiisa caafimaad ay tahay mid liidata.
Ugu danbayntii dowlada KMG Soomaaliya waxay ku guuleesatay in ay wadanka ka qaado masuuliyiin iyo xildhibaano qaraxaasi ku dhaawacmay, laakiin waxaa lees weydiinayaa sababta dowlada ay u qaadi la’day dadka ka kale ee shacab ah oo ku jira isbitaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Suxufiyiin iyo Fanaaniin ku Dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka Oo Wali Ku Jira Isbitaalada Muqdisho iyo Dowlada KMG Oo Wali Anan Wax u Qaban (Warbixin)
↧