Taliska ciidamada AMISOM oo war-saxaafadeed Muqdisho ka soo saaray ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen xalay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile, halkaas oo ay al shabaabku gacanta ku hayeen.
Taliye Xigeenka ciidamada AMISOM oo warbixinta AMISOM ku saxiixnaa ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada Burundi ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen Garoonka Dayniile islamarkaasna ay gaxanta ku dhigeen garoonkaas oo ka mid ahaa goobaha ay weli al Shabaabka Muqdisho uga sugan yihiin.
Taliyuhu wuxuu intaas kú daray in ciidamadoodu aysan wax iska-caabin ah kala kulmin al Shabaabkii halkaas fariisinta ku lahaa.
Lama oga halkii ay aadeen al Shabaabka Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile ka cararay waxaan sidoo kale la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee halkaas ka dhashay.