Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xasan Daahir Aweys : “Hubka Shabaab Ay Kala Baxday Siinka Dheer Wax Leh Dad Muslimiin Ah”

$
0
0

Sheekh Xasan Daahir Aweys
Muqdisho (RBC) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, ayaa sheegay in hub badan oo dhawaan Al-Shabaab ka qaateyn guri ku yaala deeganka Siinka dheer ee gobalka Shabeelaha Hoose, ay la haayeen dad shaqsiyaad ah, oo bara taara ama gacansiiya Shabaab.
Sheekha oo ka hadlay salaadii jimcaha ka dib masaajid ku yaala deeganka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in Hubkaas uusan lahayn wax uu ugu yeeray Cadowga islaamka oo ula jeedahay DKMG ah, oo ay dagaallo kula jiran.
Wuxuu sheegay in uu yaqaano dadka iskaleh hubkaas, laakin ma sheegin cida uu ula jeeday, Wuxu yiri ” Mujaahidiinta waxa looga baahan yahay in ay soo cadeeyaan sabata keentay in ay qaataan hub ay lee yihiin dad muslimiin ah”
Isagoo u muuqday qof ka xun howlgalkaas hubka Shabaab ay kula wareegeyn, ayaa waxa kaloo uu sheegay in aan laga hari doonin sababta ku boobtay in Shabaab hub layaqaan dadka iskaleh in ay qaatan. waa in la soo cadeeyaa ayuu ku celceliyay”
Wuxuu kaloo meesha ka sheegay in hubkaas uusan lahayn ururkii uu isaga sutida u hayay ee Xisbul Islaam, kuwaas oo Shabaab ay lacag gaareyso labo milyan oo dollar ka siiyeen.
Wuxuu kaloo sheegay, in lacag ururkiisa ay ku lahayd Shabaab la bixiyay horaantii bishan, taas uu ku sheegay cadadeeda ilaa 800 oo dollaarka Maraykanka.
Si kastaba, afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab C/Caziiz Abu Muscab, wuxuu u sheegay idaacadda ku hadashay afka Al-Shabaab ee Andulus in Al-Shabaab ay heshay hub badan oo lagu qarixiyay dhulka hoostiisa, kuwaas oo loo waday dowladda KMG ah.
Ma cadda sida loo rumeesan karo hadalka Xasan Daahir aweys iyo hadalka C/Casiis Abuu Muscab ee sheegaya in hubka loo waday cadowga Shabaab oo ula jeeday DKMG ah.
Waxa sidoo kale warkan uu Shabeelaha hoose iyo duleedka Muqdisho ka noqoday wararka ugu weyn ee loogu hadalheyn badan yahay toddobaadkii hore.
Shabaab waa markii ugu horreysay ee ay sheegto in ay heshay hub badan oo loo waday DKMG ah, kuwaas oo laga helay deganada ay maamusho.
RBC Radio
—————–
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>