Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto ayaa wuxuu sheegay in uu xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda isboortiga shaqada iyo shaqaalaha.
Wareegtada madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirkaas uu ka soo bixi waayay shaqadiisi wasiirnimo, wadatashi madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha dhexmaray kadibna waxaa xilkii looga xayuubiyay wasiirkan.
Xilka laga qaaday wasiirkan ayaa waxaa loo dhiibay Maxamuud Jirde Xuseen oo horay wasiir uga soo noqday xukuumadihii horay u soo maray dalka.
Ninkan xilka laga qaaday kama hadlin weli waxa uu ka qabo sidoo kale xigtadiisu sida Soomaalida u caadada ah wax war ah kama soo saarin xil ka xayuubintan.