Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay suggi doonaan ammaanka Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS, oo ku xirmay dagaaladii qaraaraa ee sanadkii hore ka qarxay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay lagama maarmaan tahay sidii dib loogu furi lahaa Cisbitaalka SOS, oo shaqo culus u haayay dadka Somaliyeed.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Cisbitaalka SOS uu u xiran yahay cabsi laga qabo dhinaca amniga, balse wuxuu balan qaaday in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay suggi doonaan ammaanka Cisbitaalka SOS, haddiiba dib loo-furo.
General Diini ayaa wuxuu Maamulka Cisbitaalka SOS uu ugu yeeray inay si deg deg ah u hawl-gelliyaan Cisbitaalkaasi, isagoo sheegay in wixii ammaanka qaabilsan ay suggi doonaan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay naftoodu u huri doonaan sidii buu yiri shacab ka Somaliyeed wax wanaagsan loogu qaban lahaa, isla-markaana wuxuu sheegay in Cisbitaalka SOS uu adeegyo culus u haayay shacabka.
Cisbitaalka SOS ayaa wuxuu ku yaallaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, wuxuuna inta badan uu dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed uu ka caawin jiray adeegyada guud ee ay doonayaan, waana taas midda ka dambeysay in loogu magac-daro Hooyada iyo Dhalaanka.
↧
General Diini oo sheegay in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay suggi doonaan ammaanka SOS
↧