Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la-sheegay in dhac iyo dil ay ka geesteen habeenkii xalay xaafada juungal ee degmada yaaqshiid ee gobalka banaadir
Sida dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta magaalada muqdisho ay u sheegeen in ciidamada dowladda kmg soomaaliya ay gudaha u galleen xaafad ku taala juungal, islamarkaana waxa ay halkaasi ka qaateen telefoonada gacanta laga isticmaalo iyo sidoo kale dahabka dumarka ay isticmaalaan.
Sidoo kale ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in fal dil ah ay ka fuliyeen gudaha xaafadaasi sidaasi waxaa Saxaafadda u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intaa raaciyay in ay cabasho ka yihiin ciidamada dowladda islamarkaana habeenkasta falalka noocaan oo kale ah oo dhaca ah ay ka geestaan xaafada juunga lee degmada Yaaqshiid.
Waxa ay sheegen in dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay habeen kasta ciidamada dowladda ay ka sameeyaan xaafadaha juungal iyo sidoo kale xaafadaha kale ee ku teedsan.
Waxa ay intaa raaciyeen oo ay baaaq u jeediyeen masuuliyinta dowladda kmg soomaaliya oo ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee ku nool xaafada juungal ee degmada yaaqshiid
↧
Ciidamadda Dowladda oo mararka qaarkood ka daran Xarakada Al Shabaab
↧