Ethopia-(GMN) Xili maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo labaduba ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ay isku qilaafsanayeen cida maamulaysa ama madaxda ka noqonaysa maamul la filayay in laga sameeyo deegaaanadooda, ayaa waxaa arintaasi markii ugu horaysya ka hadlay Sheekh Aadan Madoobe oo iminka ku sugan caasimada Ethopia ee Adis Ababa.
Waxa uu Aadan madoobe xusay ujeedada ay Ethopia u jogaan isaga oo sheegay in ay u yimaadeen sidii ay dowlada dalkaasi uga caawin lahayd la dagaalanka Al-shabaab iyo soo celinta amniga deegaamada Baay iyo bakool oo qaybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Mar uu warasyi siinayay VOA ayuu meesha ka saaray in xabsi la dhigay labadooda oo lagu eedeeyay in uu qilaaf soo kala dhexgalay waxa uuna ku tilamaamay hadalkaas mid ay sameeyeen dad neceb horumarkooda iyo isku duubnidooda sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ka jawabay Su’aal ku saabsanayd in ay Ethopia u jogaan sidii ay maamul u samayn lahayeen waxa uu yiri “Arimaha maamulka waan soo dhisi donaa lakin dalkan uma joogno arimahaasi, waxaana filayaa in dhawaan aan dhamaystiri doono dhisida mamaulka oo dalka oo dhan ka soconaya waana wax naga go’an in dalka gudihiisa aan ku samayn doono”
Hadalka Sheekh Aadan Madoobe aya aimaanaya xili ay circa isku sii shareerayaan wararka sheegaya in isaga iyo Xaabsade ay isku ahayaan cida madax ka noqon doonta maamulka loo samayn doono gobolada Baay iyo bakool, taas sababteedana Ethopia ay iminka doonayso inay ninka ay aaminsantahay muujiso si loogu magacaabo xilka.
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Sheekh Aadan Madoobe oo beeniyay in la xiray isaga iyo Xaabsade.
↧