Xilli uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inaan la aqbali karin baarlamaan laba guddoomiye leh ayaa arrintaas waxaa ka jawaabay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Madoobe Nuunow Maxamed oo qaar ka tirsan Mudanayaasha baarlamaanka ay u doorteen inuu hogaamiyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inaysan macquul ahayn in xukuummadda oo shaqeynaysa baarlamaanka la kala diro.
Sidoo kale Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay inuu ilaaliyo sharciga dhowraha Axdiga KMG.
Wuxuu intaa raaciyey Madoobe Nuunow in Madaxweyhana sharciga u yaala uu yahay in uu noqdo Madaxweyne ku yimaada Baarlamaani oo uu baarlamaanku soo doorto ama mid ku yimaada shacabka oo ay shacabku soo doortaan, isagoo hoosta ka xariiqay in nidaamka ay hadda Dowladda KMG Soomaaliya ay ku shaqeyso uu yahay nidaam baarlamaani ah.
“Waxaa wanaagsan in sharciga la fiiriyo, mar haddii uu madaxweynuhu yahay madaxweyne baarlamaani ah sharciga maqabaa oo ma dhici kartaa baarlamaankii tiirka u ahaa jiritaanka Dowladda inuu meesha ka boxo Dowladdaasna ay taagnaato” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray qilaaf soo kala dhexgalay xildhibaannada Baarlamaanka kuwaa oo u kala jabay laba garab oo hogaan u kala doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunow Maxamed, mana jiro ilaa iyo imin wax heshiis ah oo laga gaaray qilaafkooda.
↧
Baarlamaanka Soomaaliya oo fariin xasaasi ah u diray Madaxweynaha Somaliya
↧