Boorama (RBC) Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegtay inay baaritaan Shaybaadh ah ku samaynayso Xanuunno la garan-waayey oo Xoolo fara badan oo Lo’ iyo Ari isugu jira ku laayey tuulooyin hoos yimaada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Hawlgallo gurmad caafimaad ah ayey Masuuliyiin iyo Dhakhaatiir Wasaaradda Xannanada Xoolaha Somaliland ka tirsani ka bilaabeen deegaanno ka tirsan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaas oo ay Xoolo Lo’ iyo Adhi u badani ku dhinteen, ka dib markii deegaannadaas oo abaar kululi ka jirtay si xoog leh uga curteen roobabka Gu’ga maalmihii u dambaysay.
Dhakhaatiir iyo Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa dawooyin gaadhsiiyey deegaannadaas, isla markaana hawlgallo caafimaad oo Xoolaha buka lagu daweynayo ka bilaabay Xubnaha gaaray Degaanada hoos yimaadda degmada Boorama ee gobolka Awdal, gaar ahaan goobaha ay aadka ugu dhimanayaan Xoolaha oo intooda badani Lo’ tahay.
Waxaana masuuliyiinta gaaraya deegaanadaasi ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Cabdi (Caga-weyne), Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Boorama iyo Hawl-wadeennada dhinaca Caafimaadka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha. Waxayna saraakiisha caafimaadka ee gurmadka u baxay ayaa shalay bilaabay inay dhiig ka qaadaan qaar ka mid ah xoolaha buka si ay ugu sameeyaan baaris si loo ogaado nooca xannuunada xoolaha haya.
Dadka ku nool degaanada ay cudurada ka dilaaceen waxay shegeen habka ugu habboon ee loo maareeyo Xoolaha dhintay si loo dhawro Caafimaadka guud ee dadka iyo deegaanka iyo si aanay uga dillaacin cudurro kale oo hor leh marka Bakhtiga Xooluhu bato xilli Roobeedkan oo Roobku aad uga da’ayo deegaannadaas.
Waxayna dadka degaanka oo Masuuliyiinta caafimaadka warbixin ka siiyey heerka Khasaaraha dhimasho ee Xoolohooda soo gaadhay, ayaa sheegay in inta hadhay iyo inta ka dhimatay dhimashadu badan tahay. Waxayna dadka deegaanka ka cawdeen inaysan helin wax gurmad caafimaad ah haddey tahay hay’adaha caafimaadka ama dhinaca maamulka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa
↧
Xannuuno La Garan Waayey oo Xoolo ku Dilay Gobolka Awdal
↧