Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligaan ka soconayaa Agagaaraha Dhismihii hore ee Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda ayaa yimid markii goob raashiin loogu qeybinaayay dadka barakacayaasha ah, ay soo weerareyn ciidamo ka tirsan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Dagaalka oo iminka si toos ah uga soconaaya Dhismihii hore ee Banaadir ayaa waxay labada ciidan isku adeegsanayaan rasaasta ka dhacda qoryaha fud fudud, iyadoo ay goobtaasi ka kala carareyn dadkii u soo baxday in gargaar raashiin loogu qeybiyo.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in laba ka mid ah dadka barakacayaasha ay israsaaseynta ku dhaawacmeyn, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruhu uu intaasi ka sii bato, maadaama ay weli soconeyso israsaaseyntu.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Milatariga ee weerarka soo qaaday uu qorshahoodu ahaa, inay boob kula kacaan raashiinkii gargaarka ahaa ee loo-qeybinaayay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Degmada Hodan.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay qaarkood yihiin kuwo aanu laheyn wax anshax ah, maadaama ay u dhaqmayaan sida ay doonaan, iyadoo ay dhibaato u geystaan walaalaha Somaliyeed ee ka soo hayaamay Goboladooda, ka gadaal markii ay abaaro ba’an ku asiibeyn.
↧
Dagaal u dhaxeeyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo iminka ka soconaaya Magaalada Muqdisho
↧