Dacwad ku oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay inay u raadinayaan xukun dil ah sedex qof oo Soomaali ah haddii lagu helo dembi ah toogashii afar qof oo Mareykan ah loogu geystay dooni afduub loogu heystay xeebaha Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay.
Axmed Muuse Salaad, Abuukar Cusmaan Beyle iyo Shani Nurani Sheekh Abrar waxaa laga yaabaa inay mutaan xukuno kale oo dil u horseedaya ka dib markii lagu eedeeyay inay afduub u qabsadeen dad Mareykanka ah oo dhintay inti ay heysteen, ku kicid fal dhan ka ah xasiloonida socdaalka badda oo keenay dhimasho, kuwaas oo dhamaantood marka la isagu tago isku noqonaya kiisas dembi oo gaaraya 22 ka mid ah 26 kiis ee xukunka dilka.
Xeerilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder ayaa sheegay in raggan Soomaalida ah u doondoonayo xukun dil ah sidii loogu fulin lahaa, isagoo arrinkan go’aansaday sida uu sheegay maalinimadii Isniinta ee la soo dhaafay, wuxuuna intaasi ku daray in raggan loo heysto dadkii Mareykanka ka ahaa ee ay afduubteen ka dibna ku dhintay howlgalka, isagoo sheegay in iyaguna uu abaalkoodu noqonayo in la dilo oo kaliya.
Dadka Mareykanka ah ee ay dileen kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Jean & Scott Adam oo ka soo jeeda deegaanka Marina del Rey ee gobolka California, iyo saaxiibadood Bob Riggle & Phyllis Macay oo ka soo jeeda Seattle, waxayna afartan qof ahaayeen muwaadiniintii Mareykanka aheyd ee ugu horeeyay ee lagu dilo fal ku saleysan burcad badeednimo oo ka dhaca xeebaha Afrika, iyadoo dilkooda uu yimid ka dib markii Markab dagaal oo ay ciidamadu Mareykanku leeyihiin uu isku dayey inay xoog ku soo furtaan la heystayaashooda.
Mareykanku waxay qabteen 14 ka mid ahaa burcad badeeda waxay siidaayeen hal mid oo ka mid ahaa oo la sheegay in da’diisu ay yareyd oo aan maxkamad la soo taagi karin, halka inta kale falkaasi lagu helay, 11 ka mid ah raggan ayaa la sheegay in lagu xukumay xabsi daa’in ama madaxaa ha ku furto, iyadoo loo cuskaday lugtii ay ku lahaayeen afduubkan.
↧
Xeer Ilaalinta Mareykanka oo sharci dil ah la raadinaya sedex nin oo Soomaali ah macagacyda 3-da nin
↧