Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland ayaa ka tallaabsadan go’aan ay wadagaaeen maamulka Somaliland iyo Odayaal dhaqameedka ka soo jeeda Somaliland oo ku sugaabsanaa inaan laga qeybgelin ansixinta dastuurka cusub ee ladoonayo in dhawaan Muqdisho lagu ansixiyo, iyaguna uusan quseynin dastuurkaasi, kaas oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Boqor Maxamed Jaamac Cumar ayaa sheegay inuu 11-maalmood ka hor ka soo Ambabaxay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku sugnaa magaalooyin kale oo Somaliland ka mid ah, wuxuuna intaasi ku daray Maxamed Jaamac in mowqifkii iyo taageeradii uu u hayey xukuumada Somaliland ay wax iska badaleen, taas oo uu ku sababeeyey habdhaqanada ay Xukuumaddu kula dhaqmeyso bulshadii dooratay, isagoo sidoo kale sheegay inaanu keli ku aheyn mowqifka iyo taageerada uu kala noqday Xukuumadda Somaliland balse dad badan ay la qabaan mowqifkaas sida uu yiri.
“Waa run oo Hargeysa waan ka tagay, waxaana joogaa magaalada Muqdisho, midda kale aniga oo keliya wax iskamay kay bedelin ee dad badan ayey wax iska badaleen, xukuumaddan hadda jirta ama Madaxwayne Siilaanyo waa la doortay oo shacbiga reer Somaliland oo dhami waxay u doorteen waxay doonayeen isbadal iyo waxqabad arrinkaasina waxa uu noqday mid meesha ka baxay, Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu wax ay soo kordhisay ma jirto oo aan ka aheyn xarig, handadaad, abaaldaro iyo Musuq-maasuqii oo ka batay sidii barigii Daahir Rayaale, ciddii ka hadasha oo la xirayo iyo cadaaladdii oo laga sii fogaanayo ayaa keentay inaan ka tago” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.
↧
Mid kamd ah Oday dhaqameedyada Somaliland oo ka soo goostay Somaliland, sheegayna inuu ka qeybgalayo ansixinta Dastuurka
↧