Ciidammada ugu horreeyay dowladda Jabuuti ee ka tirsan ciidammada AMISOM ayaa xalay gaaray deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiirran, halkaasi oo ay si KMG ah farriisin uga sameysteen.
Ciidammada ka tirsan Midowga Afrika gaar ahaan dowladda Jabuuti ayaa waxaa xalay deegaanka Kalabeyrka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxaana ciidammadaasi wehliyay saraakiil ka tirsan ciidammada Faransiiska.
Cutubka Koowaad ee ciidammada AMISOM ee gaaray deegaanka Kalabeeyrka ayaa la filayaa in saacaddaha soo aadan ay gaarraan xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, si halkaasi looga sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-Qaacidda.
Dhinaca kale shacabka magaalada Baladweyne ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidammada ka socda dowladda aynu walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay uga qeyb qaataan bur burrinta cadowga Al-Qaacidda.
↧
Cutubkii ugu horreeyay ciidammada AMISOM oo gaaray gobolka Hiiraan
↧