image:
Hay’adda ammaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in boqolal dhallinyaro Kenyan ah oo ku soo tababartay wadanka Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen dalkaasi Kenya.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in boqolaal dhallinyaro reer Kenya ah, oo tababar la soo qaatay ururka Al-Shabaab ay ku soo laabteen dalka Kenya, kuwaas oo looga cabsi qabo inay qatar galiyaan wadamo ku yaala bariga Africa.
Madaxa ugu sareeya Booliska Mathew Iteere ayaa sheegay in dhowr xubnood oo tababar la soo qaaday Al-Shabaab ay ku soo qulquleen dalka Kenya, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii Axadii hore lagu qaaday xarun kaniisad oo ku taala caasimada Kenya ee Nairobi, taas oo ay ku dhinteen labo qof halka 15-kalena ay ku dhaawacmeen.
Iteere ayaa soo bandhigay sawir nin kaa oo uu ku sheegay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii Kaniisada Axada la weeraray, wuxuuna magaciisa ku sheegay Camar.
Mr. Iteera ayaa sheegay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Ismaacil Cali in uu sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay Nairobi.
Afhayeenka Booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay in Camar uu yahay Kenya, uusana ka mid ahayn bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.
sidoo kale waxaa dalka Kenya dhawaan xabsi daa’in lagu xukumay Elgiva Beire kaa oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar bamb gacmeed oo lagu weraray bishii October goob laga raaco Basaska.
QM ayaa bishii July waxa ay sii deysay warbixin ka hadkeysa In Al-Shabaab ay qoranayaan dhallinyaro badan oo reer Kenya ah iyo kuwa kale oo ku dhashay dalkaas, si ay uga qeyb qaataan qarbudaada ay ka geysanayaan dalalka Bariga Africa.
Qaar badan oo kuwaas ah, ayaa dib ugu soo laabtay Kenya, kaddib markii ay la soo tababar qaateen Al-Shabaab, tan iyo markii Kenya ay ciidamo u soo direen Soomaaliya bishii Octobar waxa soo kordhaayay weerarada iyo dilalka ka dhaca dalka Kenya.
Ururka Al-Shabaab waxay sheegeen inay weerari doonaan dalka Kenya, iyagoo u sababeeyay ciidamada ay soo direen dalka Soomaaliya.