C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Xukuumadda KMG ah
Muqdisho (RBC) Wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo furitaankii shirka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee maanta ka furmay xarunta dugsigii Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho hadal ka jeediyey ayaa ereyo la yaab leh ku furay shirka ka dib markii uu si cad u weeraray beesha caalamka.
Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo khudbadiisa furitaanka shirka ka horjeediyey 135 xubnood ee odayaasha dhaqanka Soomaalida iyadoo ay goob joog ahaayeen raysul wasaaraha Xukuumadda KMG ah iyo madaxweynaha ayaa si cad u qeexay in beesha caalamka ka mid tahay dhinacyada gumeysiga ku haya dadka Soomaalida.
“Maanta waa maalin weyn, waa maalin aan ka gudubnay saddex gumeysi oo dalkaan heystay” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil oo intaa ku daray “Saddex gumeysi ayaa na heystay oo kala ah gumeysiga Al-Shabaab, gumeysiga hogaamiye kooxeedyada iyo gumeysiga beesha caalamka ay nagu haysay.” ayuu ku daray wasiirka.
Ergadii shirka fadhiday ayaa mar qura sacab ku soo dhoweeyey ereyada uu wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ka jeediyey madasha iyadoo wasiirku faahfaahin kale ku daray.
“Beesha caalamka si dadban bey noo gumeysanjireen laakiin waxaan rumeysanahay in ka bixida marxalada Kumeel gaarnimada ee maanta halkan aan u fadhino ay soo afjari doonto gumeysigaasi dadban ee nalagu hayey” ayuu yiri wasiirka dastuurka.
C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu beeniyey in dastuurka uu ka hor imaanayo diinta iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in nuqulkii hore ee dastuurka la bedelay midka cusubna dhowaan loo bandhigi doono golaha cusub ee dastuuriga ee u fadhiisan doona ansixina dastuurka cusub.
Wasiirka wuxuu ergada dhaqanka ka codsaday inay waqtigan muhimka ah uga faa’iideeyaan dadka iyo dalka isla markaana ay dardargeliyaan meelmarinta dastuurka si horey loogu sii socdo maadaama, buu yiri shaqooyin badan oo la xiriira ebyida waqtiga ku meelgaarnimada ay dhiman yihiin.
Ereyada ah in beesha caalamka gaar ahaan ururada iyo wadamada faraha kula jira Soomaaliya ay gumeysi dadban ku hayaan dawladnimada Soomaaliya ayaan ahayn hadal cusub hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo wasiir ka xukuumada raysul wasaare Gaas u si cad u sheego in beesha caalamka- oo dabcan Qaramada Midoobay ku jirto ay caqabad ku heyso dawladnimada dalka.
Waxaana hadalka wasiirka dastuurka DKMG Soomaaliya uu yimid xilli xasaasi ah oo lagu gudajiro in xilliga Kumeelgaarka ee dawlada hadda ku shaqeyso uu dhamaad ku socdo isla markaana dawladu ay wado qabanqaabada diyaarinta dastuurka cusub iyo baarlamaanka cusub oo hordhac u ah dawlad cusub oo aan kumeel gaar ahayn.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Wasiirka Dastuurka DKMG: Maanta Saddex Gumeysi Ayaan ka Gudubnay!
↧