image:
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay xiliga kala guurka iyo waliba siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haatan dadaalka ugu jira inay ku soo biiraan siyaasada Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in meel leeska dhigo siyaasad ku salaysan xoog iyo waliba qoray caaradiis laakiin loo baahanyahay in lala soo baxo siyaasad fur furan.
Wuxuu sheegay in siyaasi walba ay tahay in uu wax ku raadiyo nabad iyo siyaasad laakiin ay muhiim tahay in meel leeska dhigo siyaasada fowdada ku salaysan.
Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweynuhu inaysan jirin cid ay u xirantahay siyaasada Soomaaliya isla markaana cid walba oo wanaag raadinaysa ay ku soo biiri karto siyaasada.
Madaxweynuhu wuxuu yiri” Waxaa jira dad badan oo laga yaabo inay daneynayaan siyaasada, cid uma xirna cid walba oo soomaali waa u furan tahay siyaasada wadanka.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka sheegay furitaankii shirka Odoyaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee Shalay si rasmi ah kaga furmay Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho