Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dukumintiyo Laga Heley Gurigii Usama Bin-Laden oo Muujinaya Codsiyo Al-Shabaab Soo Jeediyeen (Muxuuse ka Yiri?)

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC) Dukumintiyo laga helay gurigii uu deganaa Usama Bin Laden oo ahaa hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Abottabad ee wadanka Pakistan ayaa muujinaya xiriiro dhanka fariimaha ah oo ka dhexeeyey hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Mukhtaar Abuu Zubeyr) iyo Bin Laden.
Waraaqahaasi mid ka mid ah oo warbaahinta qaarkeed faafisay ayaa waxaa ku xusan qoraal codsi ah oo Axmed Godane u diray Bin Laden ka hor geeridiisa inuu ugu sheegayo in Shabaabka ay damacsan yihiin inay dhistaan dawlad Khilaafo Islaami ah oo ka talisa Soomaaliya maadaama inta badangobolada dalka ay xilligaasi Al-Shabaab ka talinayeen, hase yeeshee Osama Bin Laden oo farriintaasi maalmo ka dib uga soo jawaabay Axmed Godane ayaa ka digay in Al-Shabaab ay ku degdegaan qorshaha sameynta dawlad.
Jawaabtii Bin Laden
Bin Laden wuxuu jawaabtiisa diidmada dawlada Al-Shabaab ay soo jeediyeen ku sababeeyey labo arimood oo uusidanusharaxay-
1- Waxaan idinku boorinaya inaad dulqaad iyo adkeysi yeelataan, waxaana idinku waaninayaa inaad isaga baxdaan qorshaha dawlad iyadoon weli la helin kalsoonida dadka, sidaasi ayuu Bin Laden ku yiri warqadiisa. “Marka hore waxay cadawga siineysaa marmarsiinyo ay ku soo duulaan oo ay dalkiina ku qabsadaan markaasna waxaa adkaaneysa nolosha dadka”, ayuu yiri Bin Laden,
2- Bin Laden wuxuu kaloo soo jeediyey arin labaad oo ah in xooga la saaro in dadka dhaqaale ahaan loo horumariyo, loona ogolaado Soomaalida in hay’adaha gargaarka ay takuleeyaan, waayo dalkiina waa faqri dadkiinuna gaajo ayey u le’anayaan dagaalada dheeraaday ee Soomaaliya ka jira dartood, ayuu ku yiri Bin Laden fariinta.
Hab dhaqanka Al-Shabaab
Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osama Bin Laden wuxuu kaloo wax ka taabtay aragtida uu xilligaasi ka qabay hab dhaqanka Al-Shabaab isagoo dhowr arimood ku dhaliilay kuna taliyey inay joojiyaan.
Wuxuu farriinta Bin Laden ku sheegay in Shabaabka iyo hogaankooda ay dadka Soomaalida kasbadaan “Marka aad heshaan kalsoonida dadkiina markaas iyaga ayaa idin miisaami doona oo idinku qiimeyn doona waxa aad tihiin” ayuu kula taliyey gaar ahaan Axmed Godane oo jawaabta ay ku socotay.
Arin kale oo warqada Bin Laden ku sheegay waxay ahayd inuusan jecleysan sida qalafsan ee Al-Shabaab u fulinayeen xukunada dadka ka dhanka ah ee ad adag, kuwaasoo uu kula taliyey inaysan ka tarjumeynin Sunnada Nabiga [SCW] islamarkaana wuxuu tusaaleeyey Axaadiis dhowr ah isagoo u sheegay in sida ay u wadeen ay ku jireen wax badan oo khalad ah.
Sida ku cad farriinta, Bin Laden uma aqoonin Al-Shabaab xubin ka tirsan Al-Qaacida oo markaasi uu isaga hogaaminayey, waxaana kooxda kaliya ee Bin Laden toos uga tirsaneyd waxay ahayd Al-Qaacida Jasiirada Carbeed oo fadhigeedu yahay Yemen, waxaana Bin Laden Al-Shabaab uu kula dhaqmi jiray sida koox ay ‘saaxiibo yihiin’ oo kaliya, wuxuuna siin jiray dhaqaale ay ku hawlgalaan.
Sagaal bilood ka dib dhimshadii Bin Laden ayaa Ayman Al-Dawaahiri oo la wareegay maamulka Al-Qaacida ogolaaday in Al-Shabaab ay xubin ka noqoto Al-Qaacida, iyadoo Axmed Godane oo hogaamiya Al-Shabaabka uu soo dhoweeyey kuna tilmaamay in dagaalka Jihaadka uu guuleystay.
Fariimaha Axmed Godane iyo Bin Laden waxay u muuqdaan kuwo niyadjebinayey markasta Godane iyo saaxiibadiisa ku dhow oo qabay fikirka ah in deg deg loo dhiso dawlad khilaafo Islaami ah oo ay Al-Shabaab madaxweyne ka tahay, hase yeeshee talada Bin Laden ayaa sababtay in qaabkii ay wax u rabeen- oo dabcan taageerana kaga rabeen Bin Laden uusan dhaqangelin.
RBC Radio
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>