Kumanaan Soomaali ah ayaa maanta sameeyay dibad bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsatada Suuqa islii ee Magaalada Nairobi.
Banaanbaxa ayaa ka dambeeyey kadib marki xalay la dhacay qeybo badan oo ka mid ah tukaamada ganacsiga ee ku yaala Suuqa Islii, halkaas oo ay kooxo hubeysan ka dhaceen lacago fara badan.
Dad aad u fara badan ayaa ka qeybgalay banaanbaxa, waxaana ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah kuwa wax dhacay oo ay ku sheegeen kooxo Kenyan ah oo doonaya in ay qasaan amaanka xaafada Istlii.
Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyaga oo wata sunta indhaha qiiqa ka keento iyo xabadaha rabarka, laakin dibadbaxa ayaa ahaa mid nabadgalyo ah ciidamaduna meysan iska hor imaan banaanbaxayaasha.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kaamkunji oo ay qeyb ka tahay Islii, Yusuf Xasan ayaa la hadlay banaanbaxyaaasha isaga oo ku qanciyey in arinta ay tabanayaan ganacsatada wax laga qaban doono.
Waxaa uu sheegay inuu kala hadli doono dowlada, sidoo kalana uu hor dhigi doono baarlamaanka Kenya oo uu xubin ka yahay dhibaatada lagu hayo Suuqa Islii.
Suuqa Islii ayaa ah kan ugu weyn oo ay ku ganacsadaan Soomaalida, sidoo kale waxaa halkaasi ku nool Soomaalida ugu badan ee magaalada Nairobi dagan.
↧
Soomaali fara badan oo maanta dibad bax ballaaran ka dhigtay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi
↧