Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka dastuurka ay joogaan inkastoo oo uu shegay inay jiraan odayaal dhaqameedyo qaar ah kuwaasi oo uu sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin farsamadii lagaga soo kaxeeyn lahayn ay weli ku guda jiraan.
C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in aysan jiri karin ugaas dhaqameed laga tagi karo oo aan shirka ka qeyb gali karin wuxuu sheegay in ay jiriaan odayaal dhaqameedyo ka maqan shirka balse ay ku talo jiraan farsamadii lagu keeni lahaa madasha shirka.
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan odayaal dhaqameedyo aan imaan shirka oo wakiilo soo dirsaday isaga oo sheegay in la ogol yahay wakiilasho.
Wuxuu sheegay in odayaal dhaqameedyada ay meel kasta ka yimadeen isaga oo xusay qaar ka yimid Jabuuti iyo sidoo kale Kenya.
Shirka odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka dalka ayaa wuxuu yahay mid si wanaagsan kaga soconaya gudaha dalka Soomaaliya iyadoona ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo madaxda dowladda taasi oo ku aadan qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.
↧
Dowladda Soomaaliya oo si hoose u qorsheyneysa in Odayaasha ku Dhaqan Deegaanada Shabaab ay Magaalada Muqdisho keento
↧