Xildhibaan Cali Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ee kusugan gobolada Bay iyo Bakool islamarkaana ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidamada dowladda ee gobolkadaasi oo shabelle la hadlay ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere ay waxyeelo ku gaarsiiyeen kooxo uu sheegay in ay halkaasi ku soo weerareen.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab xili ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay marayeen inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere, waxaana uu beeniyay warar sheegaya in halkaasi uu qasaare culus ka soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Etrhiopia oo markii hore qarax miino lala eegtay
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan maamulada Al shabaab ee Bay iyo Bakool oo ka hadlay Idaacad ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadooda ay wada u galeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo loo soo tababaray dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia kadibna ay halkaasi qasaare xoogan ku gaarsiiyeen.
Saraakiisha Al Shabaab waxa ay sheegeen in 10 askari oo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali ay halkaasi ku dileen islamarkaana ay hub iyo gaadiid ka qabsadeen sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo dhinaca kale sheegay in dhankooda uu soo gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo tiradood aysan carab baabin.
Galinkii dambe ee shalay ayay aheeyd markii dagaal mudo socday uu shalay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanayay kuwa Ethiopia uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere iyo sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Kadib dagaalo culus oo shalay ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helayhay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al Shabaab ayaa dagaaladaasi waxaa guulo kala duwan ka sheegtay maamulada dowladda KMG iyo Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.