Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Saraakiisha dowladda: howlgallada Baay iyo Bakool waa la soo gabagabeynayaa

$
0
0

Saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada Baay iyo Bakool sheegay in guullo waa weyn laga gaaray howlgalladii ay ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolladaasi.
Saraakiishan oo qaarkood la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalladii ay sameeyeen maalmihii la soo dhaafay ay ku soo idlaadeen guullo, iyagoo tilmaamay in shalay malleeshiyaadka Al-shabaab ay kala wareegeen tuullo ku taalla duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Taliyaha ciidammada dowladda ee Xudur ayaa sheegay in dagaalkii shalay kooxda Al-Shabaab ay uga dileen 17 malleeshiyo, isagoo intaa ku daray in khasaaraha ciidammada dowladda soo gaaray uu ku kooban yahay 3 askari oo dhaawac ah.


Dhinca kale taliyaha ayaa xusay in maalmaha soo socda ay soo gabagabeyn doonaan guud ahaan howlgallada ka socda Baay iyo Bakool, isla markaana howlgallada ay isu baddelli doonaan kuwa amniga lagu adkeynayo, marka Al-Qaacidda laga saaro.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>