image:
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab odoyaal dhaqameedyo badan ay ku xir xireen gobalada dalka qaar, kuwaasi oo la sheegay in ay siyaabo kala duwan ay ku eedeeyeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaanada Gamboole, Makoyla, beledul Amiin, iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobalka Hiiraan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ku sugan gobalka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab Odoyaashaasi ay afduubteen kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada
Wuxuu sidoo kale Sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in Al-Shabaab Odoyaasha ay xir xireen ay ku jiraan Odoyaal 50 sano soo ahaa Nabadoonno kuwaas oo uu da’dooda ku sheegay inay u dhaxayso 60 ilaa 100 Sano.
Xildhibaanka aya wuxuu intaasi uu ku sii daray in odoyaasha la xiray ay ka badanyihiin ilaa iyo 100, oday kuwaasi oo qaarkood lagu tuhunsanyahay in ay ka qaybgali lahaayeen shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan odoyaashaan dhaqanka ee la sheegay in ay xireen, iyo waliba sababta ay u xireen.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga sugaa in ay soo xulaan Ergada ansixinaysa Datuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho