Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xil ka qaadistii maareyaha Dekeda magaalada muqdisho oo sababtay Khilaaf soo kala dhex-gala Madaxweynaha iyo Raisul wasaraha

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada KMG Ah ee soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Raisul Wasaare C/wali Gaas ayaa isku khilaafay xil ka qaadis madaxweynaha dowlada KMG Ah ee soomaaliya uu ku sameyay Maareyaha Dekeda magaalada Muqdisho Sayid Cali
Madaxweyne Shariif ayaa u gudbiyay Warqadii Xilka qaadista Maareyaha Raisul Wasaaraha iyada oo uu Raisul Wasaaraha uu diiday inuu Dhaqan Galiyo Warqadaasi halkaasina uu ka bilowday murankooda. Mid kamid ah mudanayaasha ka howlgala xafiiska raisul wasaaraha ayaa noo sheegay in xilka qaadista Maareeyaha Degada muqdisho uu ka dhashay murun xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowlada iyo Raisul wasaare Gaas
Wararka laga helaayo dhanka Dowlada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda soomaaliy iyo Maareyaha Degada Muqdisho ay saaxiibo hoose ay ahaayen hayeeshe madaxweynaha uu adkeysan waayay isdibmarinta iyo cabashada kaga imaaneysa dhanka Maareeyaha dagada Sayid Cali islamarkaana uu Raisul wasaaraha faray in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaado Sayid Cali
Raisul Wasaare C/wali Gaas ayaa ku adkeysanaayay inaan xilka laga qaadin Maareyaha Dekada isla markaana uu yahay masuul shaqadiisa ka adag hayeeshe arrintaasi ay soo dadajisay in madaxweynaha uu qaatay Go’aan ka dhan ah Raisul wasaare Gaas kuna cadaadiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan xil ka qaadis loogu sameeyo Sayid Cali oo isagu xaqiray xuquuqda garab-xamaalatada ka howlgasha Degada
Macada halka uu ku biya shuban doono khilaafka ka dhaxeya Madaxweynaha Dowlada KMG Ah iyo Raisul Wasaaraha mana aha marki ugu horasay oo u khilaaf soo kala dhex galo .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>