Qarax xoogan ayaa wax yar ka hor ka dhacay Isgooyska Baar ubax ee Gobolka Banaadir, Qaraxa ayaa ahaa miino lagu Aasay dhulka oo loo dhigay Ciidamada Dowlada ee ka howlgala Saldhigyada Xafadaasi baar ubax, Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo lagana maqlaayay gabi ahaan xaafadaha dariska la ah Baar ubax ayaa la sheegaya in qaraxaasi ay wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo iyagu halkaasi ku sugnaa
Qaraxa kadib ciidamada Dowlada ayaa goobta qaraxa ku qaqabatay tiro dad ah oo iyagu meereysanaayay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay waxa ayna u dhaadhiciyeen dhanka xaafadaha Buula xubeey
Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi walow dadka xaafada ay sheegayan in qaraxaasi uu ahaa mid xoog oo looga maqlaayay gabi ahaan xaafadaasi islamarkaan geestay Khasaara badan
↧
Qarax xoogan oo khasaara ka dhashay oo ka dhacay Xaafada Baar u bax
↧