image:
Darussalam: (Sh. M. Network) Ku dhawaad 100 oo u dhashay waddanka Soomaaliya ayaa laga sii daayay Xabsiyo ku yaalla dalka Tanzania kaddib wada hadal dhexmaray dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladdaasi.
Wararka ka imaanaya Magaalada Darussalam ee dalka Tanzania ayaa waxa ay sheegayaan in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay horey u qab qabteen Booliska Tanzania laga sii daayay Xabsiyada dalkaasi, waxaana Muwaadiniinta Soomaalida ah ee la siidaayay ku jiray 3-Dumar ah.
Dadkaani ayaa lagu wareejiyay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania kuwaasi oo ay Safaaraddu sheegtay in dib loogu soo celinayo gudaha waddanka Soomaaliya sida uu Idaacadda BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Ambassador Cabdi Xakiin.
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tanzania ayaa sheegtay in Muwaadiniintaasi ku jiray Xabsiyada dalkaasi aysan la kulmin wax dhibaato ah, waxaana ay ka digtay in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay kasoo tahriibaan dalkoodu.
Soomaali badan ayaa ku xiran Xabsiyada ku yaalla dalalka Afrika kuwaasi oo ka cararay dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka jira waddanka Soomaaliya, iyadoo aan la’ogayn qaabka loo bad baadin karo Soomaalida kale eek u xiran dalal ka mid ah kuwa Afrika.