Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya oo maanta dagaalo culus ku qaaday Al Shabaab iyo dhul hor leh oo ay kala wareegeen

$
0
0

image: 

Dagaalo culus ayaa waxay maanta ka dhaceen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaaladaan dhul cusub looga qabsaday Xarakadda Al Shabaab, inkastoo aysan Al Shabaab weli ka hadlin amuurtaan.
Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeyso Degmada Afmadow iyo Deegaanka Xayo, iyadoo Deegaanka Xayo uu ku yaallo duleedka Degmada Afmadow, oo ay gacanta ku heyso Xarakadda Al Shabaab.
Dagaaladaan oo ahaa kuwo aad u culus ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Dowladda Kenya ee joogga Gobolada Jubbooyinka.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan dhul looga qabsaday Xarakada Al Shabaab, iyadoo Xarakada Al Shabaab laga saaray fariisimo ay ku laheyd Deegaano ku dhaw dhaw Deegaanka Xayo, laakiin soo xigga dhinaca Degmada Afmadow.
Dagaalada ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhinteen ilaa todobo askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, isla-markaana waxaa jira ilaa 10 askari oo kale oo ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu sheegay inay rag badan ka dilleen Al Shabaab, ayna maanta kala wareegeen dhul hor leh.
Iskusoo wada-duuboo Xarakada Al Shabaab ayaa waxay culeys xoog leh ay kala kulmeysaa Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Kenya, Itoobiya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ee joogga dalka Somaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>