Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarakada Al Shabaab oo maanta sheegtay inay dishay askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom

$
0
0

image: 

Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan kula jirta Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dishay askar badan oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar “Abu C/Raxmaan”, oo wareysi siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay dilleen askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay xalay weeraro ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana weeraradaasi oo madaafiic ahaa ayaa wuxuu sheegay inay ku dilleen askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Sheekh Maxaned Xasan Cumar ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ay ugu talla gashay Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in weerarkaasi uu u dhacay sidii buu yiri loogu talla gallay.
Sheekh Abuu C/Raxmaan ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garaacayaan Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom, ayaan weli ka kala hadlin weerarada lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya iyo hadalka ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>