Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Midowga Yurub oo diidan in DKMG ah ay ku darsato waqti dheeri ah

$
0
0

BRUSSELS: (Sh. M. Network) Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Ururka Midowga Yurub aysan aqbaleynin in dowladda KMG Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo kuwaasi oo ka hor imaanaya heshiisyadii lagu gaaray Shirkii ka dhacay Magaalada London ee Xarunta waddanka Ingiriiska.
Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda KMG ah looga baahan yahay in waqtigeeda ay kusoo koobto xilligii horey loogu qabtay, hase ahaatee aysan isku dayn waqti dheeraad ah oo sharci darro ah.
Warkan ayaa kasoo baxay kullan Xubnaha Golaha Arrimaa dibadda ee Ururka Midowga Yurub ay ku yeesheen Magaalada Burgles ee Xaruntga waddanka Belgium-ka   kaasi oo ay ugu wad haleen xaaladaha dalka Soomaaliya gaar ahaan natiijooyinkii kasoo baxay Shirkii London.
Wasiirrada Aarrimaha dibadda ee Ururka Midowga Yurub ayaa isku afgartay in dowladda KMG ah waqtigeeda uu ka dhiman yahay 3-bilood oo kaliya, islamarkaana ay ku egtay bisha Augusta, dowladdana looga baahan yahay inay soo gudbiso Liisas ay ku qoran yihiin wax qabadkeeda.
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karo is afgarad islamarkaana la ixtiraamo heshiisyadii Garoowe iyo Kampala ee Tubta Nabadda kuwaasi oo dhamaantooda looga hadlayay xalinta khilaafaadka ka taagan Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>