image:
Baydhabo : (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa caawa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii DKMG ee Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladana ay howlgalo ka sameeyay magaaladaasi.
Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Hiiraan, rag hubaysan oo afka soo duubtay ayaa waxaa la sheegay in caawa Bariga Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dil toogasho ah ay ugu geysteen Alla ha u naxariistee Aadan Xeydar oo ahaa gudoomiye kuxigeenkii Xaafada Bardaale ee Magaaladaasi Baydhabo.
Kooxaha ayaa markii ay geysteen falkaasi dilka ah waxaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo howlgalo baaritaano ka sameeyay xaafada falka dilka ah uu ka dhacay, inkastoo aan la sheegin tirada dadka lagu soo qab qabtay
Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo oo Shabelle ay qadka taleefanka kula xariirtay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan kooxihii falkaasi dilka ah u geystay gudoomiye ku xigeenkii Xaafada Bardaala ee Magaaladaasi Baydhabo.
Mudooyinkii dambe ayaa magaalooyinka laga saaray xarakada Al Shabaab ee koofurta Soomaaliya waxaa ka dhacayay falal dilal ah oo ay rag hubaysan oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al Shabaab ay ugu geysanayeen masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.