Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Khudbaddii uu Madaxweyne Shariif ka Jeediyey Shirkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

image: 

Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan xarunta dhexe ee Q.M ayaa waxaa ka furmay shir gaar ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya ayadoo furitaankii shirkaasina uu Khudbad ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Khudbadda Madaxweynaha ayuu ugu horeyn waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku faah faahiyey xiligan xaaladda Dalka ka jirta iyo dadaallada ay DFKMG ee Soomaaliya ku guuleysatay in wax laga qabto gaar ahaan dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda,Maamul wanaaga,dib u heshiisiinta iyo guud ahaanba hirgelinta Road-Mapka.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale faah faahin dheeri ah waxa uu ka bixiyey Dastuurka Cusub ee uu Dalku yeelanayo waxaana uu xusay Madaxweynuhu in Dastuurkan howshiisa hada gacanta lagu hayo uu ka mid yahay Dastuurrada ugu muhiimsan ee dalalka Caalamka ay si nabadgelyo leh ugu dhaqmaan isaga oo yiri”Dastuurkan waa mid ka mid Dastuurrada ugu fiican ee ay Caalamku ku dhaqmaan waxaanna rajeyneynaa in howshiisa lagu guuleysto maadaama inta howshiisu socotay ay gacanta ku hayeen dad aqoonyahanno iyo quburro ah, korna ay kala socdeen Culumaa’udiin iyo odayaal dhaqameed”
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale tilmaamay in ka sokoow ansixinta Dastuurka Cusub ee uu Dalku yeelanayo ay Dowladdu ka shaqeyn doonto meel marinta dhammaanba qodobada ku xusan qariidada nabadda amaba Road-Mapka ee looga gudbayo KMGnimada ayadoo uu Madaxweynuhu Khudbadiisa ku muujiyey in marka Shirkan Q.M uusoo gebageboobo uu tegi doono magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka dhici doono shir gaar ah oo ku aadan hirgelinta Road-Mapka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday wadahadallada ay Dowladdu la geleyso walaalaha Waqooyi Galbeed waxaana uu yiri” Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an wadahadal miradhal leh kaasi oo aan la galno walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya si loo helana is faham oo Midnimada Umadda Soomaaliyeed u jirto waxaan sameyn doonnaa wax walba oo arintaasi suurta gelin kara”
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Q.M iney dhiirageliyaan qabsoomida Shirweyne Qaran oo lagu adkeynayo Midnimada Soomaaliya taasi oo ah lagama maarmaan si ay nabad buuxda u gaaraan dhammaanba dadka ku nool dhulalka Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Golaha Ammaanku taageero dadaallada ay hada Dowladdu wado ee dalka looga saarayo KMGnimada si gaar ahna qorshaha lagusoo xulayo ergada ansixindoonta Dastuurka ayadoo si gaar ahna uu Madaxweynuhu farta ugu fiiqay fulinta ballanqaadyadii dhaqaallaha ee howlaha socda lagama maarmaanka u ah.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo ka codsaday Q.M in mowqif adag la iska taago kuwa caqabadda ku ah sidii nabad buuxda looga dhalinlahaa Soomaaliya kuwaasi oo ay ku jiraan kuwa wax burburinaya iyo sida sharci darrada uga kalluumeysanaya biyaha Soomaaliya waxaana uu Madaxweynuhu muujiyey sida aysan Dowladda Soomaaliya ugu qanacsaneyn kaalmada Caalamka wixii ka dambeeyey shirkii Caalamiga ahaa ee London.
Waxa uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in Dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qabin fulinta qodob ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii London ee ku aadanaa sameynta gudi wadajir ah oo maareeya Dhaqaallaha Soomaaliya waxaase uu xusay iney lagama maarmaan tahay in gudigaasi howshiisu noqoto mid cayiman islamarkaana ay ku dhameeyaan waqtigii loogu talagalay si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles