Xukuumada dalka Turkiga ayaa sheegtay inay qabteen shimbir ay ku xidhan yihiin qalab electronic ah oo wax lagu basaaso oo ay soo direen dalka Israel si,ay ugu soo basaasto dalka Turkiga, Turkiga ayaa sheegay in shinbirtan oo ah nooca loo yaqaano Cherkerk ay ka helleen goobaha Saliida ee u dhow xuduudka ay la leeyihhin dalka Suuriya iyagoo intaa ku daray inay Shimbirtaasi kamid ahayd Sirdoonka dalka Israel,
Warbaahinta dalkaa Turkiga ayaa xusay in shimbirtaa lugteeda uu ku xidhnaa fargal ay ku qoran tahay Israel kaasoo calaamad u ah in shimbirtaas ay leeyiuhiin dalka Israel. Warbaahinta ayaa intaa ku daray in Afka shimbirtaa uu ku xidhaa qalab Electronic ah oo wax basaasa kaasoo ay kusoo xidheen sirdoonka dalka Israel,
Mas,uuliyiinta Turkiga ayaa u diray dalka Israel fariin ay kaga dalbanayaan inay sharaxaad kasoo siiyaan shimbirtan basaasada ah ee ay u soo direen dalkooda iyadoo xukuumada Israel ay sheegtay in fargalkaa ay ku xidheen shimbirta wasaarada deegaanka dalka Israel isla markaana uu si khalad ah u gallay dalka Turkiga iyagoo intaa ku daray inay isku deyayaan sidii ay xaallada u dejin lahaayeen,
Shimbirtan Bassaasada ah ee ay Israel leedahay ayaa guux badan ka dhalisay dalka Turkiga iyadoo billihii ugu danbeeyey uu aad u liitay xidhiidhka labadaa dal ka dhaxeeya arintanina ay ku sii dhalisay dalka Turkigu inuu ka digtoonaado shimbiraha hawadiisa duulaya taasoo noqon doonta dhibaato cusub oo lasoo gudboonaatay shimbiraha dalkaa dul heehaabaya,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed