image:
New York (RBC) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga oo hadal ka jeediyay shirkii golaha ammaanka QM ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya Salaasadii shaley, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad qatar ah, taas oo la doonayo in loo yeelo dhaliilo, waa mida looga gudbaayo xiliga KMG ah” ayuu shegeya danjire Mahiga.
Wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ugu baaqayo in ay maanta gacan siiyaan dowladda KMG ah oo hadda xiligeeda uu ku egyahay bisha August,shaqo adagna ay hortaalo.
Wuxuu sheegay in ay jirto fursad caalami oo dalka ku yaala bariga Africa uu ka gaari karo nabad iyo hab qaran oo dib u heshiisiin ah waarta ah.
“Soomaaliya waxa ay heesataa fursad weyn taas oo lagu doonayom lagu soo dhameeyo KMG ah, kaddb markii ay bixiyeen beesha caalamka iyo dadka Soomaalida ee hantida heesta maalingalin baaxad leh, waxa marka waajib nagu ah in aan dhameyno xaaladaas gacanta noogu jirto. sidaas waxa yiri wakiilka xoghayaha guud ee QM u matala Soomaaliya Augustine P. Mahiga, oo la hadlaayay golaha ammaanka QM ee New York.
Wuxuui yiri “Waxa waajib nagu ah in bixino waqti iyo maalgalin lagu taageearayo howsha wax lagu soo gabagabeenayo hirgalinta khariirada looga baxayo KMG ah ee roadmap ka hor August sanadkan. sidoo kale in la xoojiyo xiriirka beesha caalamka iyo wadashaqeynta.
Dowladda KMG ayaa ayaa hadda wada qorsha ay ku hirgalineyso roadmap, kaa oo la soo iqtiraacay bishii September sanadkii hore last year, iyadoo dowlada hadda jirta uu waqtigeeda ku egyahay 20 August.
Mr. Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan caqabado badan oo horyaala dhaqan galida Khariirada Roadmap’-ka, waxana uu sheegay in ay ka mid yihiin dhaqaale aan loo heynin, bilaha soo socda.
“Dhaqaale la’aanta hirgalinta roadmap-ka soo wajahday. seddaxda bilood ee haray waa walaaca koobaad ee na heesta annaga iyo DKMG ah, wuu ugu baaqay golaha ammaanka QM in ay sii wadaan dhaqaale bixinta arrintaas lagu hirgalin lahaa.
Danjiraha ayaa sidoo kale ka digay qolya uu sheegay in ay doonayaan in boqonta jaraan meel marinta qorsha roadmap.
Wuxu yiri ” Waa in la tacaamulnaa qolyahaas doonaya in xagal daaciyaan howlaha hadda socda
Goor hore oo bishan ahayd, ayaa xafiisyada Siyaasada QM ee Soomaaliya (UNPOS), midka Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, iyo kan urur gobaleedka bariga Africa (IGAD), waxa ay soo saareyn digniin ku socota kooxo ay ku sheegeyn in ay yihiin kuwa doona in ay is-hortaagan qorshaha roadmap,-ka, waxana ay sheegeyn shaqsiyaadkaas in xanibaad lagu soo rogi doono.
Wuxuu intaas ku daray , Mr. Mahiga in dhowrka bilood ee dhiman ka hor xiliga KMG ah, la doonayo in la dhameestiro waxyaabaha muhiimka ah dhiman oo uu ka mid yahay in dadka labaro dastuurka cutubyada uu ku qoran yahay, iyadoo loo marsiinaayo TV-yada, Raadiyaha. wargeyda iyo Website-yada ama online -ka
Wuxuu kaloo sheegay 1,000 xubnood uu ka koobnaan doono baarlamaanka cusub, kuwaas oo ay soo dooran doonaan odayaasha dhalka, si loo diyaariyo gole bulshada Soomaalida ay lee yihiin kuwaas oo meel mariya dastuurka cusub.
Sidoo kale, wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu qabanayo shir caalami ah kaa oo ka dhacaya Istanbul, bisha soo socota kaa oo looga hadli doono qeexitaanka dalka Soomaaliya marka lagaaro and that meeting-August
War saxaafadeed ka soo baxay shirka golaha ammaanka QM kaddib ayaa la shegay in xubnaha golaha ay soo dhaweeyeen hormarka laga gaaray hirgalinta arrimaha roadmap in la sii wado taageerada la siinayo.
Goluhu waxa kaloo ugu baaqay dowladda KMG ah iyo dhinacyadii saxiixay roadmap-ka in laba jibaaran dadaalka ay galinayaan dhameestira Tubtada khariirada ee roadmap iyadoo laga qeybgalinaayo Haweenka iyo ururada Bulshada.
Ugu dambeyn xubnaha golaha QM ayaa si weyn u taageeray war murtiyeedkii wadajirka uga soo baxay AU-IGAD iyo UN bishan May 2012 kaa oo ahaa in la taageero cunaqabateynta la saarayo kooxaha gudaha iyo dibadda kawada qaska.
RBC Radio
——————
Xafiiska Wararka New York