Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Puntland oo dalbatay in Ciidamo Amisom la keeno Garowe iyo Galkacyo

$
0
0

Iyadoo falalka amni dari ee ka jira deegaanada Puntland ay sii kordhayaan, ayaa hadana waxaa isa soo taraya cabashada Maamulkaas ka muujinayo ammaanka faraha ka sii baxaya iyo dhaq dhaqaaqyada ka socda Buuraleyda Galgala.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise mudan ayaa sheegay in dhowaan deegaanada maamulkooda la keeni doono Ciidamo ka socda Amisom, si ay u sugaan ammaanka.
“Dhowaan ciidamo ka socda Amisom waxaa la keeni doona Garowe iyo Galkacyo, sugida ammaanka ayay ka qeyb qaadan doonaan”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudane.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay horu dhac u yihiin sidii gobolada Soomaaliya ugu baahi lahaayeen, isla markaana looga hortagi lahaa qatarta argagixiso.
Wasiirka Puntland u hadlay ayaa waxaa uu kaloo sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl galo lagu sugayo amniga, isla markaana lagu soo qab qabtay dad badan oo falal amni dari geysanayay.
“Howl galo gaar baa socda, ciidamada amnigana ilaa iyo xad waa u suura gashay in kooxo nabad diid ah ay soo qabtaan”ayuu sii raaciyay.
Dhowaan ayay aheyd markii qeyla dhaan ka soo yeertay Maamulka Puntland ay ku sheegeen in dagaalyahano ka tirsan Shabaab u soo guureen deegaanada buuraleyda Galgala.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles