Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Gaas oo saxaafadda Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in dastuurka haatan Muqdisho kulanka ka socda ansixintiisa looga doodayo uu yahay mid ku meel gaar ah.
Mr. Gaas wuxuu sheegay in dastuurkani uu dhaqangeliayo marka ay shacabku codkooda ku ansixiyaan, dastuurkan oo ah sida uu ra'iisal wasaaruhu ku dooday mid ku meel gaar ah oo laga gudbi doono colaadaha ragaadiyay Soomaalida mudada dheer.
Ra'iisal wasaaraha hadalkiisa ayaa ku soo aadaya xili Xubno ka kala socda Beelaha Soomaaliyeed ay ku kualnsan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga doodaan islamarkaasna u ansixiyaan Dastuurka qab-qoraalka lagu sheegay ee lagu dhaqi doono Soomaalida.
Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho dib uga dhoofay xubnihii ka socday deegaanada uu ka soo jeedo Ra'iisal wasaaruhu ee Puntland waxaana hogaamiyaha Puntland laga soo xiogtay in uu doonayo ama dalbanayo in shirka Muqdisho laga wareejiyo loona wareejiyo magaalada Addis Ababa, xarunta dalka Itoobiya.
Shirku haatan waa socdaa waxaana maalinba maalinta ka dambeysa ku soo biiraya xubno cusub oo ka kala socda beelaha Soomaaliyeed.