Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Itoobiya oo sheegay inaysan Soomaaliya ka bixi doonin illaa iyo inta ay ka gaarayaan hadalkii ay u soo galeen markii hore, kuna baaqday…

$
0
0

Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee degmada Baydhabo iyo deeganada kale ee ay gacanta ku hayaan ee ku yaala gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan ay la wareegi doonbaan deegaanada kale ee weli ku suganyihiin Xarakada Al-shahaab oo ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.
“Waxaan qaadeynnaa tallaabooyin aan ku sugayno ammaanka guud ee Baydhabo iyo weliba dagaal aan kaga bixineyno gobolada Bay iyo Bakool ciidamada Al-shabaab ee weli ku harsan qaar ka mid ah gobolada aan soo sheegnay” ayuu yiri taliyaha cidamada Itoobiya ee gobolka Bay Gen. Yohan.
Taliyaha ayaa meesha ka saaray inay ciidamada dowlada Itoobiya ay degdeg u baxayaan Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inay sii jii joogayaan Soomaaliya inta ay guud ahaan gacanta uga wada-dhigayaan gobolada kale ee dhiman, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Marka hore amaanka hoose ee gobolada waxaan ku wareejinaynaa ciidanka AMISOM, laakiin waxaan cadeynayaa inta ay Al-Qaa’ida ay noo muuqdaan ma baxeyno, waxaana bartilmaameedkeena uu yahay inaan cirib tirno Al-Qaa’ida Al-shabaabka ah, waxaan ku weerareynaa meel kasta oo ay galaan  inta ay  nool yihiin oo ay Soomaaliya joogaan argagixisada waan joogeynaa, waxaana galeynaa meel walba oo ay galaan”.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>