image:
Baydhabo: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhacay gobolada Bay iyo Bakool ee Koofurta Soomaaliya oo ay howlgallo ballaaran ka wadaan Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia.
Taliyaha ugu sareeysa Ciidamada Ethiopia ee gobolada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya Jeneral John oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhaca goboladaasi, isagoo sheegay in dadka la dilayo ay yihiin kuwa jecel Nabadda, kana soo horjeeda Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin ka jira canshuuradaha Ciidamada dowladda ay ka qaadaan goobaha ay ka xoreeyaan Al Shabaab, isagoo tilmaamay in taasi lagala tashanayo Madaxda dowladda KMG ah, loona baahan yahay inay wada shaqeeyaan shacabka iyo DKMG ah.
Jeneral-ka ayaa waxa uu sheegay in uu la yaabay qaabka ay dadka ula dhaqmaan Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in uu daawaday Cajalad muuqaal ah oo uu ku arkay Al Shabaab oo dadka qoorta ka goynaya iyo iyagoo dadka meel fagaaro isugu keenaya kaddibna tooganaya dad ay eedeeyeen, wuxuuna carabka ku dhuftay in wax lala yaabo ay tahay waxyaabahaasi.
Magaalada Baydhabo iyo Xudur oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa waxa ka dhaca falal ammaan darri, iyadoo ay jiraan shaqsiyaad lagu bartilmaameedsaday gudaha Magaaladaasi.