
Muqdisho (SONNA) Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan taliska ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho ciidankii ugu horeeyay ee ka socda AMISOM ayaa labo maalmood ka hor gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Ciidankaasi oo tiradiisu dhan tahay labo guuto ayaa ka kala socda wadamada Uganda iyo Siiralyoon, waxayna Jimcihii ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya iyagoo u gudbay dhanka degmada Doolow oo ay fariisimo ka sameysteen.
Sarkaal ka tirsan taliska AMISOM ayaa magaalada Nairobi ugu sheegay wariyaha Raxanreeb in ciidankaasi ay ku sii jeedaan dhanka gobolada Jubbooyinka, waxaana qorshahoodu yahay inay sii araan Baardheere si ay u gaaraan gobolka Jubbada Dhexe oo hadda ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab.
Ciidankan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ka socda taliska AMISOM oo hawlgal ka bilaabay konfurta galbeed ee Soomaaliya inkastoo ciidamada Kenya ay joogaan meelo ka mid ah gobolka Gedo.
Dawlada Siiralyoon ayaa horey u ballanqaaday in ciidamo ka qeybqaata hawlgalka AMISOM waxaana lagu waday in ciidamada Siiralyoon ay si buuxda Soomaaliya u soo gaaraan bisha June oo hadda maalmo kaliya ka harsan yihiin. Saraakiil militari oo isugu jira Siiralyoon iyo Kenyan ayaa dhowr bilood ka hor kormeeray gobolka Gedo si ay u arkaan goobaha istiraatiijiga ah ee ciidamadu degi karaan.
Askarta daacada u ah Musefeni ‘UPDF’
Ciidamada Ugandha ee soo gaaray Doolow ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo cusub oo dhowaan laga keenay wadanka Ugandha, waxaana ciidankan ay ahaayeen ciidankii dawlada madaxweyne Musefeniga Ugandha kula dagaalamay jabhadda Lords Resistance Army ‘LRA’ ee ka dagaalanta waqooyiga Ugandha kuwaasoo dawlada Ugandha ay aaminsan tahay in iyaga loo adeegsan karo dagaalka jabhadeynta ee lagula jiro Al-Shabaab.
Waxaana saraakiisha AMISOM ay sheegayaan in ciidamada labada guuto ah ay ku qalabeysan yihiin hubka culus iyo gaadiid loogu talagalay in wabiyada looga gudbo maadaama gobolada koonfurta Soomaaliya ay leeyihiin wabiyo waaweyn oo hawlgalada ciidamada xanibi kara.
Soo galista ciidanka cusub ee ku socda magaca AMISOM ayaa timid maalmo ka dib markii raysuil wasaaraha Ethiopia uu ku dhawaaqay in ciidamada Ethiopia ay ka qeybqaadanayaan qabashada magaalada Kismaayo oo ah magaalo deked leh oo ay maamusho Al-Shabaab.