Ra’isal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in howl galkooda labaad uu nonayo magaala xeebeedka Kismaayo, kadib markii saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay sheegeen inuu fashilmay duulaan lagu qaban lahaa Kismaayo.
Meles Zenawi ayaa u sheegay wariyeyaasha in qorshahooda uu yahay sidii Kismaayo ay ula wareegi lahaayeen, isla markaana ku wareejinayaan Ciidamada Amisom.
Waxaa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay xoojin doonaan, si ay Al-Shabaab ugaga saaraan magaalooyinka kale ee ay wali gacanta ku hayaan.
Meles Zenawi ayaa xusay inay qibrad u leeyihiin sida Al-Shabaab loola dagaalamo, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay awoodooda isugu geyn doonaan magaalada Kismaayo.
Ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah Jubooyinka ayaa ku adkaatay inay qabtaan Kismaayo, kadib muddo lix bilood ah oo laga joogo markii ay ka soo tallaabeen xuduuda.
Horay ayay Ciidamada Itoobiya sanadkan ula wareegeen magaalooyinka Ceelbuur, Baydhabo, Xudur iyo B/weyn oo ahaa meelaha Shabaab sida aadka ah ugu xooganaayeen.