Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Afhayeenka Shabaab oo sheegay iney dileen sarkaalkii ciidamda AMISOM hogaaminayey shalay

Afhayeenka dhanka howl galada ee Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii shalay ay soo qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom aanay wax natiijo ah laga gaarin.
Waxaa uu sheegay in weerarada lagu soo qaaday si ba’an isaga difaaceen, isla markaana ay ku qasbeen Amisom in garoonka diyaaradaha Dayniile aanay soo dhaafin.
“Shalay saliibiyiinta weerar ayay soo qaadeen, waana la caabiyay, si adag ayaa looga hortagay, waxaa dagaalka hada ka socda howdka u dhaxeeya Garasbaaley iyo garoonka diyaaradaha Dayniile”ayuu yiri Abuu Muscab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda ay ku dileen dagaalka, kaasoo markii xabad ku dhacday uu sheegay inay diyaarad ay qaaday.
“Sarkaalka la dilay wuxuu ahaa G/dhexe, waxaa xabad uga dhacday surka, diyaarad ayaa garoonka Dayniile ka qaaday, markii dhex loo sii wadayna waa uu ku dhintay”ayuu yiri.
Abuu Muscab ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay qaadi doonaan dagaal jabhadeyn oo ku dhufo ka dhaqaaq ah, isla markaana mar walba ay soo dhaqaaqaan ay naafeyn doonaan.
Shabaabka ayaa hada wajahaya culeysyo baaxad leh oo uga imaanaya dhinacyada ka soo horjeeda, sida Ciidamada Amisom, Itoobiya iyo kuwa Kenya, waxaana ay luminayaan dhul badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles