Taliska Ciidamada Amisom ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin degmada Afgooye si ay uga saaraan Al-Shabaab, iyagoo cadeeyay in aanay jirin awood u babac dhigi karta oo hortaagan.
Taliyaha guud ee Ciidamada Amisom Major Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku jebiyeen Shabaab, isla markaana ay qasaare ku gaarsiiyeen sida uu yiri.
“Howl galkii shalay wuxuu ahaa mid qorsheynaa oo aan ku qaadnay kooxo canaasiir ah, waxaan ku guuleysanay inaan ka talaabno garoonka diyaaradaha Dayniile”ayuu yiri Jen. Andrew Gutti.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay dadka barakacayaasha ee Al-Shabaab xooga ku heystaan dhowaan ka xoreyn doonaan, waxaana uu xusay in howl galkii shalay ay ugu magac dareen xoreynta Shabelle.
Taliyaha Amisom ayaa sheegay in howl galkooda uu hada ku baahay Gobolada Shabellooyinka, isla markaana uu Muqdisho banaanka uga baxay sida uu yiri.
Dagaaladii shalay oo ahaa mid ay qaadeen Ciidamada Amisom ayaa waxaa ugu suura gashay inay qabsadaan wado muhiim ah oo ka baxda garoonka diyaaradaha Dayniile, taasoo tagta degmada Afgooye.
↧
Taliska Ciidamada AMISON oo sheegay inay dhowaan qabsan doonaan degmada Afgooye
↧